Baaritaan soo shaac bixiyey fadeexad iyo naxdin ka jirta Muqdisho + COD

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan muddo socday oo ay sameysay idaacad ku taalla Muqdisho, ayaa soo shaac bixiyey arrin fool xun oo la yaabna leh islamarkaana ku ah meel ka dhac dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed iyo waliba diinta islaamka oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Weriyayaal ka mid ah idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa baaritaan ku sameeyey arintaan una soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho ayaa waxaa billowmay goobo ay ku kulmaan dhalinyarada wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo halkaas ku isticmaalaaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin qamriga xashiishka iyo shiishada. Waxaa sidoo kale dad arrintan ku lugta leh ka mid ah xubno sare oo qaarkood wasiiro ah oo ku jira dowladda Soomaaliya.

Ma ahan kaliya qamri iyo maandooriye waxa meesha  ka jira, ee sidoo kale dumarka ayaa lagu iibiyaa.

Halkan ka dhageyso baaritaankii idaacadda Mustqbalka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com