Baarlamaanka oo si cajiiba uga hadlay xiliga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlaanka cusub ee Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee dhawaan la filaayo inay dhacdo.

Boqore, ayaa sheegay inuu qabo rajo ku aadan dhaqan galinta dhammaan qorshooyinka horyaal Baarlamaanka cusub ee uu isaga horkacaayo waxa uuna cadeeyay in maalmaha fooda nagu soo heysa ay sameyn doonaan Guddiyo dhanka Doorashada ah.

Boqore, waxa uu tilmaamay inay ka fogaan doonaan Musuqa Doorashada waxa uuna farta ku goday in si nadiif ah ay ku dhici doonto Doorashada Guddoonka BFS iyo tan Madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlaanka cusub ee Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in Baarlamaanka uu go’aan ka gaari doono xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha.

”Kulankeena ugu horeeya waxaa go’aan looga gaari doonaa doorashada Madaxweynaha waxa ayna Xildhibaanadu go’aamin doonaan xili ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha”

”Go’aanka ay gaaran Baarlamaanka ayaa mar waliba sareyn doona waxaana rajeynayaa in Doorashada Madaxweynaha ay ku dhici doonto xiliga la go’aamiyo”

Docda kale, Kulanka ugu horeeya oo ay qaadan doonaan Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhaco maalmaha fooda nagu soo heysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com