Baarlamanka Jubbaland oo aqbalay codsigii A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Madoobe ee ahaa in loo dhorhiyo muddada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirada.

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa ka guddoomay codsigaasi Axmed Madoobe, iyaga oo ugu daray muddo 90 cisho, si uu ugu soo magacaabo wasiirada cusub ee Jubbaland.

Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay oo gaarayey illaa 43 mudane ayaa dhammaan isku raacay in waqti loogu daro madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale kulanka baarlamaanka ayaa ah mid sii socdo, waxaana looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid ah yihiin:-

1- Ilaalinta dastuurka dowlada federaalka Ssoomaaliya.

2- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen.

3- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi.

Jubbaland ayaa tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe wajaheysay caqabado badan oo uga imaanayey dhinaca dowladda dhexe, inkastoo ay hadda u aqoonsatay si KMG ah.