Balan qaadkii Xasan Sheekh  oo been noqday.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku dhawaad 10 habeen kahor waxaa ka dhacay weerarkii xanuunka badnaa ee lagu qaaday xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo xeebta ku sugnaa.

Weerarka oo masuuliyadiis aay sheegteen waxaa xanuunka ugu badan uu kasoo gaaray reer Maxamed Qeyre oo seddex ruux oo isla dhalatay ay kaga dhinteen weerarka, uuna ku dhaawacmay wiil yar oo dhalinyarada dhimatay ay dhaleen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo maalin kadib tagay goobta weerarka uu ka dhacay ayaa ka sheegay xeebta Liido in xarumo caafimaad oo dibada ah loo qaadi doono dadka caafimaad ahaan dalka wax looga qaban waayo.

Laakiin dad badan oo eheladooda ay ku dhaawacmeen weerarkaasi ayaa sheegaya in waxba aan laga dhaqan gelin balanqaadkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ee ahaa in dibada caafimaad ahaan loogu qaadi doono dadka dhaawacyada ay soo gaaraan.

Qaar kamid ah ehelada oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in caruurtooda qaar ay dhaawacyo daran kasoo gaareen weerarkii xeebta Liido, kuwaasi oo qaarkood dhaqaatiirta ay sheegeen in dalka aan waxba looga qaban.

Ehelada qaar ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya xitaa aysan sii daba galin dadka dhaawacyada ay kasoo gaareen weerarkii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna ka dalbadeen maadaama loo cadeeyay in dalka looga qaban karin iney wax u qabato dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com