Dibadbaxyada Somaliland oo rasaas xooggan lagu furay iyo Internet-ka oo la jaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta deegaannada maamulkaasi ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashooda, kuwaas oo looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa ka socda dhowr magaallo oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay inay sii kordhayaan dadka ka qayb-galaya dibad-baxyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay faraha ka baxday, taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadaan qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana hawada laga saaray khadkii Internet-ka, taas oo keentay inaan xog buuxda lag helin dibad-baxyadaasi..

Arrimahaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Banaan-baxyada ka socda Somaliland ayaa qorshahooda wuxuu soo socday bilihii u dambeeyey, kaas oo haatan sare u sii qaaday xiisadda ka aloolsan Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka taagan xasarado iska horjeedo, kuwaas oo ka dhashay doorashada maamulkaas oo ay isku khilaafeen mucaaradka iyo xukuumadda.