Shacabka Muqdisho oo dhiiranaan aan horey looga looga baran muujiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta muddo kooban ka dhacay bannaanbax ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Bannaanbaxa ayaa ka dhashay markii mid ka mid ah baabuurta ciidamada AMISOM uu si bareer ah u jiiray darwal Taxi oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqidsho.

Dad careesan ayaa isusu soo baxay KM4 ilaa TREE BIYAANO kuwaasoo muddo kooban xanibay isku socodadka dadka iyo gaadidka.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigo ay ku diiddan yihiin ciidamada AMISOM in ay sii joogaan dalka Soomaaliya maadama ay si bareer ay u dilaan dadka rayidka.

“Tareebiyaano waxaa maanta ka dhacay qiso cajiib ah, taasoo ah baabuurta AMISOM oo ku socday waddo qalad ah in ay jireen wiil dhallinyaro ah isla markaana aysan wax jawaab ah bixin, ilaa inta laga soo qabanaayo darawalka waday baabuurka waday” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qaybgalay.

Goobta bannaanbaxa ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasoo kala ceyriyay dadkii bannaan baxayay, waxaana ay sheegeen in ay soo qabteen darwalkii waday baabuurka jiiray Salaax Nuur Maxamed oo 41-jir oo aabo u ah toddobo carruur ah.

Taliyaha ciidamada saldhigga Hodan Maxamed Daahir ayaa sheegay in dadka bannaanbaxayay ay kala ceyriyeen iyagoona u adeegsaday xabadaha cinjirka ah si loo furo waddooyinka ay xireen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kolanyo ay la socdaan ciidamada AMISOM ay si bareer ah ugu jiiraan waddooyinka magaalada Muqdisho balse waa markii ugu horreysay oo la soo qabto darwalkii waday baabuurka falkaas geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com