Barcelona iyo Real oo isku garba dhacay: Messi iyo Ronaldo oo isugu jawaabay Afar gool.

Ciyaar ay inteeda badan heysatay Barcelona ayaa aheyd inay hesho guul ay u qalantay, laakiin kuma aysan naaloon iyadoo kubado dhaadheer ay kala soo horjeeday Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimada ayaa goolkaba ku hormartay ka dib markii kubad ay isku afgarteen Ozil, iyo Benzema uu markii dambe daqiiqadii 23aad shabaqa ku hubsaday Cristiano Ronaldo.

Balse sideed daqiiqo ka dib waxaa ka daba keenay Lionel Messi oo ka faa’iideystay kubad ay iska qaldeen daafacyada Real, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad ayey ciyaartu ku bilaabatay si degan iyadoo koox walba ay waardiyo ka aheyd inaan shabaqeeda gool la taabsiin, balse qalad lagu galay Messi, oo uu garsoore Carlos ku tilmaamay Laad xor ah ayuu ka faa’iideystay ciyaaryahanka reer Argentina isagoona shabaqa dhex geliyey kubad aad u qurxoon daqiiqadii 61aad.

Laakiin shan daqiiqo ka dib Ronaldo ayaa ka daba keenay, isagoo ka faa’iideystay kubad dhex ka tuur ah oo uu ka helay xidiga Muslimka ah ee Mezut Ozil.

Real Madrid ayaa haatan Barcelona ka dambeysa sideed dhibcood, laakiin wax walba waxay noqon karaan kuwa isbedel ku yimaad, weyse adag tahay inay ku guuleystaan horyaal laga sareeyo sideed dhibcood.