Beesha caalamka oo faro-gelineysa doorashooyinka Jubaland iyo wafdi la diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku helanay, safiirada dalalka caalamka u jooga Muqdisho, wakiillada Qaramada, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tagi doono halkaasi.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha Kismaayo iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ujeedada safarka wafdigani ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashada Jubbaland.

Xubnaha wafdigan ayaa kulamo la qaaday doono madaxda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe, guddiga doorashooyinka iyo Musharraxiinta maamukaasi.

Inta badan kulamada ayaa diirada lagu saari doono sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan Musharraxiinta u taagan Jubbaland oo kalsooni la’aan ka muujiyey guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi.

Arrintan ayaa sababtay in inta badan ay isdiiwaan gelin waayaan Musharraxiintua iyo sidoo kale in dib loo dhigo waqtiga isdiiwaan gelinta oo hadda lagu daray 4 maalmood oo dheeri ah.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha Augusto ee soo socota, iyadoona uu loolan adag sanadkan la kulmayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonayo in markii saddexaad loo doorto hogganka dowlad goboleedka Jubbaland.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com