BEESHA CAALAMKA oo war cad kasoo qabsashada Somaliland ee TALEEX

Taleex (Caasimada Online) – Wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa hadlay tallaabadii ciidamada Somaliland ay ku galeen magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Wuxuu ugu baaqay in ay degdeg uga soo baxaan isla markaana labada dhinac waa Khaatumo iyo Somaliland ay joojiyaan wax kasta oo hurin kara colaad ka dilaacda gobalkaas, isagoona hadalkiisa intaas ku daray in loo turo shacabka ku nool goobaha collaadaha ay ka taagan yihiin.

Wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ku xun yihiin colaadda ka taagan Taleex oo ay isku heestaan maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalka danjiraha gaar ah ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo seddax maalin ka hor ciidamada Somaliland ay dib u galeen magaalada Taleex, waxaana magaalada la rabay in uu dhawaan ka furmo shir ay lee yihiin salaadiin iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo State.

Waa markii labaad oo sannadkan ciidamada maamulka Somaliland ay galaan magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Taleex ay ka mid tahay dhulka ay ka arrimiyaan balse arrintaas waxaa ka soo horjeeda maamulka kale ee Khaatumo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho