Beesha Habar-Gidir oo R/W C/WELI ku eedeesay inuu ka dambeeyo dagaalka Sh/Hoose wacadna ku martay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo siyaasiyiin ku shiray magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aan ku aadan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal.

Haddaba dagaalladaas waxaa ka hadlay beesha Habar-gidir waxaana ay caddeesay in dowladda ay qeyb ka tahay dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabellaha Hoose.

Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen dagaallada ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed sidda ay lee yihiin.

Waxay sheegeen ra’iisal wasaaraha markii uu dhawaan tagay Marka in uu la kulmay beesha Biyo-Maal kuwaasoo uu hub iyo dhiirigalin siiyay sidda ay hadalka u dhigeen.

Waxay ka digeen dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose haddii aan degdeg loo joojin in ay ka dhalan karaan cawaaqib xun.

Si kastaba, hadalka odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo uu weli ka socdo gobalka Shabeellaha Hoose dagaallada u dhexeeya beelaha Biyo Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya horrey ayey uga hadashay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ku baaqday in degdeg loo joojiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com