Beesha Habargidir oo la kulantay R/W C/Weli, kana diidayna qorshe uu rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa sidaan xog hoose ku helayno habeenkii xalay aheyd wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda beesha Habar-gedir ee dagaalka ku qabsatay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka aan ku helayno ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xildhibaanada Habargidir kula kulmay xarunta madaxtooyada, waxaana ujeedada ugu weyna ay aheyd isagoo kala hadlayay xiisadaha dhanka dagaalka ee u dhaxeeya Biimaal iyo Habargidir oo ka taagan Shabeelaha Hoose.

War hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu ka dambeeyay kadib markii ay beeshaasi waxgaradkeeda kasoo horjeesteen in maleeshiyadooda laga saaro deegaanka Nambar Konton iyo degmada Marko oo dagaal ay kaga qabsadeen beesha Biimaal.

“Qorshaha ah inaad maleeshiyadeena oo ah dadka ka saarto Marka, marnaba kaama yeeleyno” ayay u sheegeen Cabdi Weli

Wuxuu dalbaday ra’iisul wasaraha in xildhibaanada matalaysa beesha Habargidir ay kala shaqeeyaan xukuumadiisa sidii xal looga keeni lahaa dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka kale ee aan helayno ay sheegayaan ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay dhinacyada beesha Biimaal, wuxuuna si lamid ah uuka dalbaday in laga wada shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa xiisada Shabeelaha Hoose.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxay qaarkood Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku dhaliileen inaanu dhex dhexaad ka ahayn dagaalka u dhaxeeya beelaha isku haaya Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
Caasimada@live.com