Beesha Hawiye oo xalay digniin culus siisay Madaxweyen Xasan Sh.

Odayaasha beelaha Hawiye ayaa xalay kullan xasaasi oo qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaga oo halkaas diginiin culus oo cad uga diray Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo isna beesha kasoo jeeda.

Kullankaasi oo warbaahinta loo diiday, balse xubno ka qeyb galay ay ugu sir warrameen Caasimada Online, ayaa lagaga hadlayay arrinta magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia iyo dad ay u arkeen inaysan nabad u keeni karin Somalia, oo ay ka digeen.

Waxaa kullanka uu yimid, kadib war suuqeed soo baxay oo sheegaya in Cabdi Weli Gaas uu beesha caalamka kusoo caadinayay intii uu socdaalka QM ku maqnaa in isaga lagu soo celiyo ra’iisul wasaarenimada ama qof kale oo kasoo jeeda deegaankiisa la siiyo, isaga oo qiil ka dhigtay in beeshiisa ay ugu miisan weyn tahay beelaha Daarood, waa sida isaga iyo reer Puntland-ba ay la tahay’e.

Hase yeeshee odayaasha Hawiye, ayaa kadib kullankooda ergo u diary madaxweynaha si ay si cad ugu sheegaan inuu ka feejignaado arrintaas.

“Waan aragnay In Puntland ay caqabad ku noqotay nabadda Somalia iyo inay is mooday in beelaha kale ee Daarood ay yihiin dad aan xisaabneyn oo ayaga hoos yimaada, mana aqbaleyno in taasi ay soo noqoto” erayadaas ayaa ka mid ahaa kuwii ergada ay u qaadeen Madaxweynaha

Odayaasha Hawiye ayaa sidoo kale kaga digay madaxweynaha in haddii qof Puntland kasoo jeeda uu ra’iisul wasaare u magacaabo ay isaga u taal, halkii dowladdaasi ay ka shaqeyn lahayd, oo Muqdisho iyo dadka degaba ay banaanka ka yihiin.

Si kastaba beesha Hawiye ayaa sheegtay inay 100% ku kalsoon tahay in madaxweynaha uu ra’iisul wasaare kasoo xulan doono beel aan ahayn tan Puntland degta, hase yeeshee ujeedka digniintooda ay tahay mid xusuusin u ah madaxwyenaha, haddiiba laga yaabo in daqiiqad ay maskaxdiisa kusoo dhacday inuu Gaas ama qof ku deegaan ah uu ra’iisul wasaare u magacaabo.