Beesha Jidle oo soo dhaweysey Wasiirka cusub ee Sportska

Beesha jidle oo kamid ah beelaha Soomaalida ayaa si weyn usoo dhaweeyey wasiirka dhalinyarada iyo sportska ee DFS mudane Maxamed Cabdullahi Xassan Nuux, iyaga oo u rajeeyey inu noqdo mid booska beeshooda laga siiyay dowladda ugu shaqeeya qaranka Soomaaliyeed.   Waxa ay wax kama jiraan ka soo qaadeen warar lagu qoray marergaha qaar oo lagu sheegay in beeshooda ay jagadaas kaso horjeedo, iyaga oo ugu baaqay in laga daayo umadda war xumada iyo been abuurka ayna beel ahaa taageersan yihin wasiirka. Cabduqaadir Carab oo ah guddoomiyaha siyaasadda ee beesha jidle ayaa xusay in wax lagu farxo ay tahay, iyada oo ay tahay markii ugu horeysey ee ay helaan xilka wasiirnimada oo ayna u arkaan cadaaladdii inay soo daahirtay wadanka uu ku socdo cadaaladdii loogu tala galay.