Beesha Mudulood oo ka qeylisay Afgambi lagu hayo awoodooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxeysa Cabasho ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada kana tirsan Beesha oo qaabab khaldan u afganbinaaya awooda Beesha Mudulood ay ku dhex leedahay beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Imaan Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka ee Beelaha Mudulood oo u waramaayay Idaacada SMN ee magalaada Muqdisho, ayaa sheegay in Siyaasiyiin iyo Ganacsato ka tirsan Beesha ay afduubteen xilalka ay Beesha ku lahaayen Baarlamaanka dalka, waxa uuna sheegay in Mas’uuliyiintaasi uu kamid yahay Wasaarada Maaliyada, C/laahi Maxamed Nuur, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada kasoo jeeda Beelaha Mudulood, ay meel uga dhaceen hogaanka dhaqanka Beelahaasi, waxa uuna kadigay in si khaldan loo marin habaabiyo xilalka ay Beelaha Mudulood ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Imaan Daahir waxuu tilmaamay in raga sidaasi sameynaya uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada, C/laahi Maxamed Nuur, isagoo isku dayaya in uu sii qoodeysto qaar ka mid ah Xildhinaada Beeshaa.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad kale oo aan waxba kala socon Hanaanka dhaqanka kuwaasi oo aan laheyn aqoon dhanka Degaanada Dadka ay matalaan ay ka soo jeedaan.

Waxa uu Imaan Daahir xusay in kulan dhawaan ka dhacay mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho, oo uu soo qabanqaabiyay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada, C/laahi Maxamed Nuur lagu leexsaday Xildhibaanada imaan doono isaga oo si gaar ah u diyaarsaday Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada si amar la’aan ah.

Waxa uu sidoo kale, sheegay Imaamka in Afar Xildhibaan ay leedahay Beesha Harti Abgaal uu meel sii dhigo Wasiirka kor ku xusan islamarkaana uu keesado magacyada Dadka matali doona afartaasi Xildhibaan, sida uu hadalka u dhigay.

Imaamka oo aad u careysan ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in lagu tagrifalo xubnaha ay Beesha leedahay, waxa uuna kadigay in la yareesto baaqiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com