Beesha xildhibaannadii lala xiriiriyey jabahdda Awdal oo la kulantay badhasaabka

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in maanta magaalada Boorama ay kulan xasaasiya ku yeeshen mid kamid ah beelaha dega gobolada galbeedka Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Awdal.

Kulankan ayaa waxa uu dhexmaray Badhasaabka gobolka iyo beesha Reer Nuur, iyadoona diirada lagu saarayey kulankaasi sidii loo dajin lahaa xaalada amaanka guud ee gobolka Awdal.

Kulankan maanta ayaa waxa uu daba socdaa kadib markii ay soo shaac baxday in Jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi ka dilaacday deegaanada Dilla, midaasi oo lala xiriirinayo haybta beeshan uu maanta la kulmay Badhasaabku.

Kulankan oo ahaa mid xasaasiya, isla markaana dhamaan ay warbaahintu dibad joog ka aheyd, ayaa waxaan marnaba lagu soo hadal qaadin xariga xildhibaanadii ama sii-deyntooda, kuwaasi oo ay xukuumadu u xirtay Jabhadaasi oo beel ahaan kasoo jeeda beeshan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen xubno goobjoog ahaa.

Sida ay Caasimada Online ogaatay Xildhibaanadan ayaa xukuumada Biixi waxay xabsiga ugu taxaabtay, kuna eedeynaysaa inay maal-galin iyo raashin u geeyen Jabhadan cusub ee ka dilaacday gobolada bariga Awdal ee Dilla.

Kulankaasi ayaa waxa uu u daarna sidii Beesha reer Nuur ay xukuumada gacan uga siin laheyd sidii ay u kala diri lahaayen wax ay ugu yeeren ‘Dhalinyarada hubeysan’ oo ay ula jeedaan ‘Jabhadan cusub’ ee ka dilaacday deegaanadaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay jahwareer siyaasadeed oo dhanka amniga ah uu ka jiro gobolka Awdal, iyadoona lagu soo waramayo in Jabhadii Suldaan Wabar ay soo gaartay deegaano kamid ah gudaha gobolka Awdal, oo qiyaastii dhanka waqooyi u jirta magaalada Boorama 60-KM.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com