BF oo loo gacan gelinayo sharci ka dhana Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ka duwan kulamadii hore ee ka dhacayay Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loogu qeybinayaa sharciga ka dhanka ah darbiga Kenya ay dooneyso iney ka dhisto xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar, oo kamid ah baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sharcigaasi loo qeybin doono xubnaha baarlamaanka si ay u aqriyaan.

Sharciga waxaa soo diyaariyay gudiyada baarlamaanka u qaabilsan arimaha dibada iyo arimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay maanta soo hordhigayaan xildhibaanada Soomaaliya.

Sharcigaasi ayaa waxaa seddex jeer laga hor aqrin doonaa baarlamaanka, kadibna xubnaha baarlamaanka ayaa ka doodaya kadibna sharci ka dhigaya.

Kenya ayaa waxay dooneysaa iney darbi ka dhisto xuduuda Soomaaliya la wadaagto, taasi oo murun badan dhalisay, waxaana la sheegayaa in dhismaha darbigaasi ay ka dooneyso sidii ugu dari laheyd dhanka badda oo murun badan ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com