“Bil gudaheed ayuu Xasan Sh. ka qeyb galay laba caleemo saraa” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan dowladda iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan safarada aan kala joogsiga laheyd ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh iyo xubno ka tirsan dowladdiisa oo ay ku jiraan Guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradda ay ugu ambabaxaan dibedda.

“Dhaqaalaha lagu bixinayo safarada dibedda ee aan waxba laga soo kordhineyn in ay jiraan meelo kaga haboon dhaqaalahaasi in lagu bixiyo” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya

“Waa markii 2-aad bil gudaheed ee uu madaxweynuhu u ambabaxayo ka qeybgalka xaflad caleema saar ah. Madaxweynaha isaga oo Koofur Afrika kaga qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha dalkaas ayaa la weeraray Baarlamaanka; maxey Soomaaliya u soo kordhineysaa safarka uu hadda ku tegay Qaahira oo aan ka aheyn dhowr boqol oo kun oo dollar oo ku baxa safarkaas.? ” ayuu yiri xildhibaankaas, wuxuuna intaa ku daray in ku takri falka dhaqaalaha Qaranka ey tahay arrin baarlamaanku waajib ka saaran yahay inay kala xisaabtamaan Madaxweynaha.

Xildhibaanka wuxuu sheegay hay’adaha dowladda in dhaqaalaha ahaan ay ku tiirsan yihiin kaalmooyinka ay ka helaan dalalka dibedda, haddana waxaa jira musuq-maasuq ku baahsan hogaanka hay’adaha dowladda.

“ Xaaladdeena oo aad u liidata sidan inaan u dhaqano suurtagal ma ahan; waxaan u dhaqmeynaa sida dal dhinac kasta isaga filan, toddobaadkan warbixin ay soo saartay hay’adda UNHCR waxaa lagu sheegay in caruur Soomaaliyeed oo 200,000 gaaraysa in ay geeri qarka u saaran yihiin, lagana cabsi qabo in abaartii Soomaaliya ka dhacday ay dib u soo laabato, iyadoo ay sidaasi jirto ayaa haddana Madaxda dowladdu waxey maalin walba ay ku jiraan safaro lagu qarash gareynayo boqolaal kun oo dollar oo aan dalka iyo dadka waxba u soo kordhineyn” ayuu yiri xildhibaanka.

“ Guddoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyaan wefdi ka badan 20 qofood ayaa kaga qeybgalaya Kampala furitaanka baarlamaanka Uganda. Maxey tahay maslaxada ugu jirta Soomaaliya in ay ka qeybgasho furitaanka fadhiga baarlamaanka Uganda.? lacagta safarkaasi ku baxeysa waa imisa.? ” ayuu yiri Xildhibaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com