Biriq dad ku dishay meel Somalia ah.

Gobolada dalka Soomaaliya waxaa hada ka curtay roobabka Xiliga xagaaga kaas oo ay dadka ku diirsadeen.

Roobabkan ayaa waxaa ay yimaadeen iyadoo xili kulaylo lagu jiray,beeraha iyo Xoolahana iyo Bani’aadamkuba ay u baahnayeen.

Iyadoo faa’idadaas oo dhan lagu qabo ayaa waxaa jira mararka qaar in dad roobka sabab looga dhigo inay ku dhintaan,Sida hada ka dhacday Gobolka Galgaduud oo dad Xoola dhaqata ah ay u dhinteen Biriq haleeshay.

Sadax qof ayaa ku dhintay deegaan hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud  kuwaa oo hal qoys kasoo wada jeeda markii guriga ay daganayeen ay ku soo dhacday biriqdaas oo xili roobeedka la arko.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in labo ruux oo kale ay ku miir beeleen.

Soomaaliya waxaa hada si aad ah ugu da’ya roobkan oo ah mid dadka iyo duunyadaba ay u baahanyihiin.