Bixinta baasaboorka dalka Somalia oo weli hakad ku jirta iyo sababta dhabta ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho dad badan ayaa caqabad adag kala kulmay helidda baasaboorka Soomaaliga, waxaana lagu waramayaa in la joojiyay daabacaada baasaboorka.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay inaan la daabicin wax baasaboor ah, waxaana kordhay tirada dadka dalbanaya baasaboor ee maalin walbaa lagu balamiyo magaalada Muqdisho, sida xogaha aan ku heleyno.

Dadka dhibaatada haysata waxaa ka mid ah dad u ambabixi lahaa arrimo caafimaad, qaar u bixi lahaa waxbarasho & kuwa ganacsi dalka dibadiisa u aadi lahaa, dadkaasi oo dhan waxa ay u xaniban yihiin Baasaboorka Somaliga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sababta arinta ka dambeysa ay tahay in qandaraaska uu ka dhacay shirkadii daabici jirtay baasaboorka Soomaaliga, islamarkaana shirkad cusub la siiyay qandaraaskaasi, iyadoo wali aysan shaqo bilaabin.

Xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee ku taallo Isgoyska Shaqaalaha Subax waliba waxaa ku jarmaada dad isugu jira Hooyooyin, Dhalinyaro iyo dad waayeel ah oo raadinaya helitaanka baasaboorka.

Sawiro la qaaday ayaa muujinaya in culees badan uu ka jiro xarunta, waxaana dadka loo qabtaa balamo ay adag tahay in loo fuliyo, maadaama maalin walbaa lagu rajo geliyo inay maalita xigta heli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com