Booliiska Kenya oo arrin fadeexad iyo yaab leh ku dhaqaaqay (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Macallimiinta wax ka dhigta Machadka Islaamiga ee Samad oo ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi ayaa ku tilmaamay eedeyn la been abuuray hadal ay Booliska ku sheegeen inay Machadkaasi ka heleen kiimiko laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Macallimiinta oo la hadlay Wargeyska the Star ayaa sheegay inay Booliska arkeen Labo gasac oo ay ku kala jireen Malab iyo Xabbad soodo, una qaateen inay yihiin Kiimiko, maadaama ay Gasacyaddu ku dul qornaayeen waa ay holci karaan “Highly Flammable”.

Mid ka mid ah Macallimiinta ayaa tilmaamay inay Boliska qaateen jeeg ay ku jireen saddex litir oo malab ah iyo gasac ay ku jirtay xabbad-sowda, iyagoo ku doodaya inay yihiin Kiimikadda laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska magaalladda Nairobi, Benson Kibue ayaa horey u sheegay inay ku raad-joogaan Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Ibraahim, oo ay ku eedeeyeen inuu haystay kiimiko laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Ibraahim Aadan Ibraahim oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa beeniyey arrintaasi, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Muwaadin haysta Warqadda Aqoonsiga Kenya.

Xigasho: The Star