Booliska oo xiray haweeney fal argagax leh ka geysatay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo howlgal ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay soo qabashada haweeney fal argagax leh dhowaan ka geysatay degmadaasi, kadib muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex arkayey haweeneydaan oo lagu magacaabo Shukri Cabdullahi Xaashi oo tacaddi xun u geysaneyso gabar yar oo 9 sano jir ah.

Sidoo kale caro xoogan ayaa ka dhalatay muuqaalka laga soo duubay haweeneydaan hadda eedeysanaha ah oo dusha uga fadhido, isla-markaana garaaceyso gabadha yar.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in haweeneyda ku eedeysan falkaasi carada xoogan ka dhaliyey baraha bulshada ay hadda ku xiran tahay xarunta hay’adda dambi baarista CID, isaga oo sheegay inay baaris ku hayaan.

Sadiiq Doodishe ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan natiijada baaritaankooda iyo ujeedada ka dambeysa dhacdadaasi.

“Waxaan dhowaan shacabka u soo bandhigi doonaa ujeeddada iyo natiijada ka dhalatay baarista kiiskaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda la soo xiray ay gabadha yar u tahay eedo, balse lama oga waxa ku kalifay dhacdada ay geysatay oo hadal heyn badan dhalisay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee bulshada saameynta ku leh ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxayna aheyd dhowaan markii Booliska Soomaaliya uu soo bandhigay nin hubeysan oo muuqaal laga duubay, isaga oo rasaas ku ridaya wiil yar oo dhulka jiifay, kaas oo la sheegay inuu ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.