Boorsaani oo daweynaaya musuq-maasuqii ugu weynaa ee uu geystay guddoomiye MUUNGAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale ‘’ Boorsaani’’, ayaa si KMG ah u hakiyay arrimaha dhulalka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib laga bilaabi doono howlaha la xiriira dhulalka, inta ka horeysana Maamulka uu dib kasoo sixi doono Muranada ka taagan Gobolka iyo qaabka lagu bixiyay dhulalkii dhaliyay muranka badan.

Waxa uu sheegay in Gobolka qeybtiisa khilaafaadka dhulalka ay yaalan cabashooyin badan oo u baahan in xal laga gaaro sidaa awgeedna ay taasi sabab u tahay hakinta.

‘’Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka dacwada uga furan tahay in si KMG ah aan u hakinay arrimaha dhulalka xiliga la bilaabi doono anaga ayaa dib kasoo sheegi doono’’

Waxa uu sidoo kale shaqaalaha Gobolka uga digay inay gudan waayaan waajibaadkooda waxa uuna farta ku goday in Gobolka looga baahan yahay howl badan iyo hadal yar.

Boorsaani waxa uu shaqaalaha Gobolka ugu bishaareeyay in dhamaantooda ay si waafi ah u heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Gobolka balse loo baahan yahay inay daacad u noqdaan shaqadooda.

Haddalka Gudoomiye Boorsaani ayaa yimid kadib markii Xarunta Gobolka ay buux dhaafiyeen Shacab ka cabanaaya isdabamarin uu ku sameeyay Muungaab iyo shaqaale farabadan oo sheegay inaan lasiin jarin xuquuqdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com