Boorsaani oo weerar ku qaaday musharaxiinta xilka madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa kadigay in Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Somalia ay doortaan Madaxweyne aan daadihin karin Siyaasadda Somalia.

Boorsaani, ayaa sheegay in Musharaxiinta ay isugu jiraan kuwo Siyaasada xili hore kusoo jiray iyo kuwo aan horay loo arag, waxa uuna sheegay inuu walaac ka qabo in la doorto Madaxweyne aan aqoon u laheyn Siyaasada iyo Hanaanka loo daadihiyo dal kasoo ka banaayo Burbur.

Xildhibaanada Cusub ayuu sheegay in mid waliba ay u muuqato shaqsiga uu ku biirin lahaa Codkiisa, balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay inay doortaan Musharax aan aqoon u laheyn Siyaasada ay Somalia u baahan tahay in lagu maamulo.

”Anagu waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Madaxweyne waliba oo la doorto, balse waxa aan ka digaayo waa in la doorto Musharax magac doon ah oo aan garaneynin halka ay Somalia ka xigto iyo waxa ay u baahan yihiin Shacabka Madaxweynaha loo noqon doono”

Boorsaani waxa uu Walaac ka muujiyay in Xildhibaanada cusub ay dhaqaale ku doortaan Madaxweynaha Cusub waxa uuna doorbiday in laga fiirsado cidda codka lasiin doono ee kamidka ah Musharaxiinta dhowrka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Boorsaani ayaa u muuqda in Xildhibaanada Cusub uu ku boorinaayo inay doortaan Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna haddalka Boorsaani imaanayaa xili Asbuuc ka hor uu ku baaqay in mar kale ay Xildhibaanada doortaan Madaxweynaha hadda haya Xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com