Boqor Buurmadow oo weerar culus ku qaaday MUUSE BIIXI, iclaamiyayna dagaal

Addis Ababa (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay in Muuse Biixi marnaba uusan xoog ku fadhin doonin kursiga ugu sareeya Somaliland , islamarkaana uu diyaar u yahay in awood ciidan loo adeegsado.

“Maalintii u horeysay waa la taliyay oo cadaalad samee ayaa ku idhi, cid walba Muuse wuu diiday. Salaadiinta kuwii cid ugu xigay kama uusan xishoon. Maantana Suldaankii guud ayuu doonaya in uu toogto ama xidho.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu dhisayo xisbiyada mucaaridka, ayna dagaal u galayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Muuse Biixi, haddii uusan dib ugu soo laaban nidaamka qori isku dhiibka ah ee Somaliland.