Butragueno: Real waxay u qalantay guul, balse Barcelona nasiibka ayaa u hiiliyey.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid Emilio Butragueno ayaan ku sheegin inay wax dhibaato ah kooxdiisu ku qabtay barbarihii ay galeen kulankii axada ee El Clasico, wuxuuna maanka ku haayaa in ciyaartoyda Jose Mourinho ay u qalmeen wax ka badan hal dhibic.

Kooxda jamaahiirta badan ku leh caalamka Madrid iyo Barcelona ayaa is weydaarsaday goolal, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaana midba midka kale la ekeyeey hugaan uu kooxdiisa u dhiibay.

Butragueno ayaana ku rajo weyn inay kooxdiisu soo kabsato ka dib bilow aan wanaagsaneyn.

“Kama xumin sababtoo ah waan fiicneyn, waxaaa jirtay goolal dhalan karay oo la qasaariyey, laakiin maanta ma noqon maalintii aan goolasha dhalin laheyn. Barcelona, si kastaba, way kasoo kabsadeen xittaa qeybtii labaad wey wanaagsanaayeen,” ayuu Butrageueno u sheegay wargeyska AS.

“Natiijadu ma ahan mid laga xumaado, laakiin uma aana qalmin. Waxaan ka wanaagsaneyn 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyey, waxaan helnay fursado waxaana u ciyaarnay si fiican. Xaqiiqdii in lagu kala nastay 1-1 ma aheyn kulan waaqici inoo ah.”

Halyeeyga ayaa si gaar ah u amaanay bandhiga Ronaldi iyadoo xidigu uu dhaliyey labada goo lee Madrid, wuxuuna sidoo kale amaanay Mesut Ozil kaasoo ku dhowaad dhamaadkii lagu bedelay Kaka.

“Goolasha Cristiano waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Baasaska Ozil ayaana ahaa kuwo lala cajabo wuxuuna kooxda u daadihinaayey si fiican.”