C/raxmaan Cirro oo si adag ugu hanjabay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay xubnihii ay shalay ansixiyeen Golaha wakiilada Somaliland, isagoona luuqad adag kula hadlay Madaxweyne Biixi.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay waxay ansixiyeen lix xubnood oo kamid ah xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay labo kamid ahi si weyn uga soo horjeeden Xisbiyada mucaaridku.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dhaqmayo caragsi, isla markaana ay qaadi doonaan talaabo kasta oo hogaan xumada Biixi looga bad-baadinayo Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale waxa uu taageerayaasha xisbiga Waddani uu faray inay kala qeyb qaataan halgan uu sheegay in Somaliland lagaga bixinayo maamul xumada uu baday Madaxweyne Muuse Biixi.

“Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu Somaliland xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wuxuuna intaas kusii daray ” Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta oo Somaliland lagu bad-baadinayo”.

“Waxaan faraya taageerayasha Xisbiga iney u diyaar garooban halgan iyo hawl adag oo dalka lagaga bad-baadinayo Maamul Xumada Muuse Biixi baday”.

Hadalkan Guddoomiye Ciro ayaa u muuqda mid uu fariin hanjabaad ah ugu dirayo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Xukuumada talada Somaliland haysa ee uu Biixi hogaamiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa