C/Weli Gaas oo Faroole wajahaya kadib Diyaarad ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabda Wali maxamad cali gaas ayaa maanta gaaray  Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maalinta Shalay ayay ahayd markii Dr Gaas uu xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Saacid iyadoo xalay la ogaa in Gaas loo sameeyay Xaflad Sagootin ah.

Safar dhaqsa ah ayuu ku tagay Gaas  Gaalkacyo maanta waxaana uu gudaha garoonka Aadan Cade kula hadlay Saxaafada inta uusan muqdisho ka tagin.

Gaas ayaa Safarkiisa ku sheegay inuu yahay mid uu ku booqonaya Ehelkiisa iyo Caruurtiisa oo ku nool magaaladaas waxaana uu meesha ka saaray in arimo kale uu halkaas uu ugu socdo.

Qorshaha maanta uu ku tagay Gaas Gaalkacyo ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmahan laysla dhexmarayay inuu doonayo inuu noqdo  Madaxwaynaha maamulka Puntland walow mar maalintii Shalay Saxaafada ay ka waydiyeen inuu rabo Xilkaas uu ka gaabsday inuu jawaab ka bixiyo.