Cabdullaahi Kulane: Muddo kororsiga Axmed Madobe uu sameystay lama aqbali karo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, horeyna u ahaa madaxa shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

“Wararka sheegaya in Axmed Madoobe uu ku qasbay baarlamaanka Jubaland ee uu isagu soo xulay 2019, oo ay ku jiraan darawalkiisii hore, ilaaladiisii iyo adeegayaashiisii, inay ansixiyaan muddo kororsi aan sharci ahayn, waa wax laga xumaado oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdullaahi Kulane oo warsaxaafadeed soo saaray.

Kulane Jiis ayaa Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay aasaasihii kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu isdaba marin iyo musuq-maasuq ku sameeyey doorashadii dhacday sanadkii 2019.

“Axmed Madoobe oo ah aas aasaha ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa marar badan leexiyay rabitaanka shacabka Jubbaland, wuxuuna wax isdaba marin ku sameeyay doorashada Jubaland ee 2019 taas oo beesha caalamka ay u aqoonsatay inay aheyd mid khiyaano ah oo lagu shubtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

“Muddo kordhinta aan waafaqsanayn dastuurka dalka ayaa noqon doonta mid uga sii dari doonta xaalada dadka reer Jubaland oo xilligaan wajahaya xaalado amni darro iyo macaluul, waxayna u baahan yihiin in si deg deg ah looga jawaabo fashilka Axmed Madoobe ee muddada tobanka sano ah”.

Ugu dambeyntii Kulane jiis ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo dadka reer Jubbaland isla markaasna loo dhiso dowlad loo dhan yahay wuxuuna sheegay in taas lagu heli karo in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ansixiyey in muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.