Caqabadaha adag ee hor taagan doorasho qof iyo codkii oo ka dhacday dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorasho cod iyo qof waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1969, 40 sano kadib waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, sida lagu ansixiyay shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay oo ay yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Dowladdo KMG ah oo dalka soo maray waxaa baarlamaankooda soo xulayay odayaal dhaqameedyo, laakiin baarlamaanka hadda dhisan ee labada gole, hab ka duwan odayaal dhaqameedyada ayaa lagu soo xulay, waxaana xildhibaan kasta u codeynayay 51 ergo oo beeshiisa laga soo xulay.

Laakiin doorashada Hal qof iyo codkii, wey ka sii duwan tahay doorashooyinkii u dambeeyay, sida uu sheegayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye.

“Nidaamkani wuxuu uga dawanaan doonaa qofka doortaha ah inuu inta tago xisbigiisa iyo xildhibaankiisa doorto isaga oo fiirinaya fahamsana inta aan horey u sheegay, taasi waxay imaaneysaa side qofka wax dooranaya ee muwaadinka ah loo gaarsiiyaa fariin sax ah oo ku saabsan doorashada iyo kaalinta uu ku leeyahay, xaqa uu leeyahay iyo waajibaadka isaga laga rabo.” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Sabriye.

Caqabado muuqdo iyo kuwa daahsoon ayaa horyaala doorasho qof iyo codkii ah, kuwaasi oo u baahan in laga gudbo ka hor sanadka 2020, waxaana ka mid ah hagaajinta ammaanka, Qabyo tirka Dastuurka Dalka, meel marinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya habraaca doorashada, Fahamsiinta dadka doorashada iyo waxa ay tahay, bislaashaha siyaasiyiinta iyo midnimadooda, dhameynta Danaha is diidan ee u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, tirakoobka dadka codeynayo iyo arimo kale.

Prof Maxamed Muuse Mataan oo ah Barre ka ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho qaarkood, ayaan weydiiyay caqabadaha daahsoon ee imaan kara waqtiga doorashada, haddii la xaliyo caqabaha loo wadajeedo oo amaanka uu ugu horeeyo.

“Kuwa daahsoon way imaan karaan runtiii waa kuwo farsamo ku imaan kara ama ha ahaato dhaqaalihii iyo farsamo ahaan hadii degmada Afgooye oo kale dadkiisa la tira kobo, hadana la baxo oo Baraawe la tago, waxaa suuragal noqon karta inay Afgooy ka tagaan dadkii halkaasi lagu tira koobay, waa arrin laakiin laga shaqeyn karo.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Muuse Mataan.

Doorashadan waxaa ku tartami doona axsaab siyaasadeed, 4 September sanadkii 2016 Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka ayaa saxiixay sharciga axsaabta dalka oo Lixdii June 2016 baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, 11 Xisbi ayaa la diiwaan geliyay sida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ay sheegeen.

Kuma qanacsana Xisbiyadda qaar sharcigan, maadaama ay aaminsan yihiin in laga soo min guuriyay sharciga axsaabta ee dalka Kenya, dhankoodana ay gudbiyeen warqad ay ku cadeynayeen meelaha u baahan in laga saxo.

Guddiga doorashooyinka waxay horey u shaaciyeen in loo baahan yahay 139 Milyan oo Dollar, si looga gudbo dhammaan caqabaha hor taagan doorashada cod iyo qofkii ah, Baarlamaankana wali looma gudbin sharciga doorashooyinka dalka si Labada Gole ay u ansixiyaan, ma jirto Maxkamad Dastuuri ah oo kala saari doonta haddii qodobada doorashada la isku qabto ama murun ka yimaado doorashada.

Prof. Maxamed Muuse Mataan ayaan markale weydiiyay inay jiraan waxyaabo la taaban karo oo ilaa iyo hadda la gaaray, si doorashadaasi ay u dhacdo.

“Wallaahi hada dowladan inta ay jirtay, dowladihii hore waa laga yaabaa, waxaan xusuustaa in la sameeyay sharcigii axsabaha, ugu yaraan hadii aan la tagi Karin degmooyinka iyo tuulooyinka, waxaa lagu qaban karaan xarumaha maamul goboleedyada, ugu yaraan waa in meesha laga durqo oo sanaadiiq la geeyo xarumaha maamul goboleedyada.” Ayuu markale yiri Prof. Mataan.

Fullinta balanqaadyadda ay sameeyaan madaxda inta ay ololaha ku jiraan ayaa badan, balse dhaqan gelinta balamaha ayaa laga sugayaa madaxda hadda taladda dalka haya, maadaama badankood ay horey balamahan u qaadeen.

W/D:- Mohamed Isse Mohamud