Caruur iyo haween laga soo badbaadiyey hotel Xayaat iyo kuwo weli ku go’doonsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladdda ayaa ku guuleystay inay haween iyo caruur kasoo badbaadiyaan Hotelka Xayaat, oo caawa qaraxyo iyo weerar toos ah ay kusoo qaadeen dagaaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in dad shacab ah ay weli ku xayiran yihiin gudaha Hotelka oo illaa hadda ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo ku jiray muddo ka badan lix saac oo xiriir ah, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.

Dadka lasoo badbaadiyey waxaa ka mid ah hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay oo sawirkooda si aad ah loo wareejinayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.

Waxaa isa-soo tareysa xogta khasaarihii ugu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mida: Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale.

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo kamid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka.

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.