CC Shakuur: Dibad-baxyada ka socda Sri Lanka iyo Sierra Leone ayaa nagu soo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan abaaraha iyo bani’aadanimada ayaa markale qaylo dhaan ka muujiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan abaaraha sii baahaya ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ayaa shaaca ka qaaday Soomaaliya ay ka dhici karaan dibad-baxyo la mid ah kuwa ka socdo wadamada Sri Lanka iyo Sierra Leone, kuwaas oo looga cabanayo raashin la’aanta ka jirta dalalkaasi.

“Dowladaha aad arkeysaan Sri Lanka, illaa Sierra Leone oo dibad-baxyada ay ka socdaan raashin xumada darteed way nagu soo socdaan annaga nafteenna,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xittaa hadda caalamka aysan ka jirin raashin la kala dhoofsado, maadaama xaaladda ay sii adkaaneyso, sida uu hadalka u dhigay

“Raashin la soo dhoofsado lama haayo raashinka waa la wada xirtay adduunka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Ergeyga gaarka ah ee bani’aadanimada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda dalka ay mareyso meel halis ah, isla-markaana loo baahan in si wadajir loo wajaho abaaraha dalka.

“Xaaladda dalka uu marayo aad ayey u dhib badan tahay adduunka tartamada ka jirana aad ayey u weyn yihiin, waxaana loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd ee abaaraha, waxaana deegaanada qaar laga soo soo sheegayaa inay ka jirto macluul aad u daran iyo xaalado dhanka nolosha ah.