CC Shakuur: Farmaajo laba midba kama hayo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo maanta Golaha Shacabka geeyay mooshin ka dhan ah madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharaxay sababta ka dambeysa.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu ka dambeeyay weerar xarunta xisbiga Wadajir lagu qaaday 2017-kii, kaasi oo ay ku dhinteen askar ka tirsan ilaalada Cabdiraxmaan.

“Weerarkaas waxaa lagu dilay shan wiil oo Soomaaliyeed oo kamid aheyd ilaaladeyda, amarkaas wuxuu kasoo baxay Farmaajo oo maanta u fadhiya in loo dhaariyo xil Xildhibaanimo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu cuskaday Cabdiraxmaan waayitaankii Ikraan Tahliil oo raq iyo ruqba la weysan yahay oo uu sheegay in falkaas uu dhacay intii uu tallada dalka joogay madaxweynihii hore ee Farmaajo.

“Ninka kaliya ee amarka soo bixiyay waa Farmaajo, illaa hadda mid dhaqan Soomaaliyeed kama hayo, mid dowladeedna kama hayo oo majirto meel uu ku qirtay fal-dambiyaadkaas.”

Cabdiraxmaan ayaa xusay in saraakiishii xiligaas loo adeegsaday weerarka xarunta Wadajir ay garowshiyo ka bixiyeen dhacdadaas, hase yeeshe illaa hadda aan cudur daar uusan ka hayn Farmaajo.

Isku-deyga Cabdiraxmaan iyo xildhibaanada ku raacsan mooshinka ka dhank ah Farmaajo ayaa fashilmay kadib markii cod gacan taag ah lagu go’aamiyay in la dhaariyo madaxweynihii hore oo noqonaya Xildhibaan aan dhicin.

Hoos ka daawo muuqaalka