CC SHAKUUR oo dood ka keenay kulankii Farmaajo iyo Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa dood adag ka keenay kulankii dhowaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka ayaa dhaliilay, sida loo soo qaban qaabiyey kulankaasi oo uu garwadeen ka ahaa agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Fahad Yaasiin.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo si aad u naqdiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweynuhu ku kalsoonaan waayo Ra’iisul wasaarihiisa oo ay isku deegaan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka, islamarkaana ay aheyd in kulankaasi uu isagu qaban qaabiyo, kana qeyb galo.

“Waxaa layaab ah maanta oo dhan waxaa lagu leeyahay dowladda waa isla socotaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa isla socdaan, Madaxweynayaashi hore iyo Farmaajo kulankooda waxaa garwadeen ka ahaa Taliyaha Nabadsugida, waxaa Madaxweynayaashi hore waxaa soo raadiyay waa Taliyaha NISA oo u tagay oo yiri dhex dhexaadin ayaa galaa oo Madaxweynaha inaa la kulantiin ayaa rabaa, waa dulqaad badan yihiin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waana ku amaanayaa, iyadoo Madaxweynaha intii uu Nairobi joogay ayuu soo afgalaadeeyay ayay hadana la kulmeen, iyagoo danta dalka eegaya.” ayuu yiri, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uusan ka qeyb gelin shirka dhexmaray Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh, taasina ay muujineyso in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si gaar ah u naas nuujinayo taliyaha haya’adda nabad sugida oo shaqadiisu aysan aheyn arrimaha siyaasadda dalka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Madaxweynuhu markii uu ku fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen ee ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland uu Ra’iisul wasaarihiisa u ogolaan waayey inuu la xaal-tamo dadkiisa, sida uu hadalka u ddhigay.

“Haddii Madaxweynaha ku soo fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen sida Jubbaland iyo Puntland, Ra’iisul wasaaraha uma ogolo inuu la xaaltamo dadkiisa, taliyaha Nabadsugida ayuu ku kalsoon yahay oo shaqada soo qabanaya, kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarihiisa siyaasada sida ay isku leeadahay ayaa rabnaa in looga hadlaa , Taliye Nabadsugid shaqadiisa ma ahan siyaasad.”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Madaxaweynaha dowladda Soomaaliya uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo arrimo ku aadan doorashooyinka soo socda ee 2020-21-ka.

Halkaan ka daawo hadalka Cabdiraxmaan