CC Shakuur oo Farmaajo ku haysta muxuusan ula kulmin Trump, Xi iyo May?

Muxuu Farmaajo ula kulmi waayey Donald Trump iyo Theresa May!? Waxa uu ahaa dhigaalkii ugu dambeeyey ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigo boggiisa Facebook.

Arritan ayaa imaneysa xilli uu shalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ku tagey magaalada Asmara, xarunta dalka Eritrea oo uu kulan saddex geesood ah uga furmayo madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Wali lama shaacin ajendaha kulanka saddex geesoodka ah, walow uu u muuqdo mid xasaasi ah, maadama ay hoggaamiyeyaasha toos u abbaareen Eritrea kaddib markii ay soo dhammeysteen shirkii China iyo wadamada Africa uga socday maalmahan magaalada  Beijing.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan waxba kala socon ujeedka iyo ahmiyadda shirkaas saddex geesoodka ah ayaa bilaabay xanuunkii is barbar dhigga “Comparison Syndrome” ahaa ee mucaaradnimadiisa lagu bartay.

Muxuu yiri?

“Madaxweynaha dawlada aan deriska nahay ee Kenya wuxuu usbuucii la soo dhaafay gudihiisa la kulmay sedexda hogaamiye ee dunida ugu saamaynta badan leh, Madxweynaha, Maraykanka, Madaxweynaha China iyo Raysalwasaaraha Britain. Halka siyaasadeena Arrimaha dibada ay Doha iyo Asmara dhaafi la’dahay. “

Walow uu qoraalkan u ekeysinayo in uu ka hadlayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ee isaga ula muuqata in ay dowladda hadda jirta ka gaabisay – gaar ahaan xawaaraha hummaagiisa u sawirayo, haddana waxa uu qof walba ka dhadhansan karaa in ay ujeedadiisu tahay u bahdilidda madaxweynaha Soomaaliya dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidee?

Madaxweynaha Kenya waxa uu la kulmay, Trump, May iyo Xi Jinping! – Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma aha waaqici ama wuu is yeel yeelayaa! Kenya waa dal tan iyo markii ay xoriyadda guumeystihii Ingiriiska ka qaadatay 1963 ahayd dowladda siyaasadeedu salka dhulka ku haysay halka ay dimuqraadiyadda ka hana qaaday 1992-kii oo ay sameysteen nidaamka xisbiyada badan.

Soomaaliya oo 30 sano kaddib xorriyadeedii ay dowladdii dhexe ka bur burtay, ilaa haddana ku jirta soo kabasho, ma tahay arrin uu siyaasi weyn la soo golo fariisto is barbar dhigga labadaas dal ama hoggaamiyeyaashooda? Donald Trump, May iyo Xi maxaa uga xiran Soomaaliya oo ay ula kulamayaan Farmaajo?

2 – Madaxweyne Farmaajo lama kulmin miyaa Xi Jinping, oo miyaan si meeqaam sare leh loogu soo dhaweyn dalka China?

Laga yaabe, in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Xi Jinping ka war qabin!

Hase ahaatee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur kali kuma ah xanuunka is barbar dhigga ee ‘Comparison Syndrome!” waa arrin hadda caadi ka noqotay baraha bulshada iyo goobaha xanta “Gossip Corners”  ee siyaasadda lagu gorfeeyo!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com