CC Shakuur oo shaaciyey arrin dhici doonta, haddii aan jawaab laga helin caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u warramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa diray qaylo dhaantii ugu dambeysay ee ku aadan xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in ay macluul dhici doonto, haddii aan jawaab deg-deg ah laga helin caalamka, si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha

“Haddii aan la helin jawaab bini’aadannimo oo ku filan… macluusha ayaa dhici doonta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya looga baahan yahay inay dareen gooni ah u muujiyaan dadka tabaaleysan ee ku sugan Soomaaliya

“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha ayaa sidoo kale horey kulamo uu la yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah, isaga oo kala hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Wuxuu sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur markale ku celiyey in weli farqi weyn uu u dhexeeyo gargaarka la ballan-qaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya.

Malaayiin qof ayaa haatan halis ugu jira inay macaluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.

Qaramada Midoobay dhankeeda waxa ay sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu tala-galay Soomaaliya.