CCC Sharma’arke oo ka xog warramay siduu ku helay safiirnimada & arrinta…

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnasota waxaa ku sugan safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, wuxuuna kulamo la lee yahay Soomaalida ku dhaqan halkaas.

Safiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu Minneapolis u yimid siddii uu ula kulmi lahaa Soomaalida ku dhaqan magaaladan oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Marayukanka.

Safiirka ayaa sheegay in uu jaaliyadda Soomaalida u sheegay siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen socdaalka la filaayo in billowga bisha August uu ku yimaado dalka Maraykanka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud kaasoo ka qeybgalaya kulanka taarikhiga ee madaxweyne Obama uu kula kulmaamyo madaxda qaarada Afrika.

Wuxuu sheegay in Minneapolis ay ku nool yihiin Soomaali badan kuwaasoo loo baahan yahay in ay door ka qaataan soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda ee soo booqanaya dalka Maraykanka.

Maxaa ka jirra in uu madaxweynaha la kulmaayo shirkadaha shidaalka qoda?

Safiirka ayaa la weydiiyay in madaxweynaha uu la kulmaayo shirkadaha shidaalka qoda ee ku sugan Maraykanka, wuxuu tilmaamay in aysan jirin arrin gooni oo ku aadan in uu la kulmo shirkadaha shidaalka balse wuxuu tilmaamay in ay la kulmi doonaan hey’adda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka kuwaasoo uu kala hadlaayo xiriir dhexmara dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in tan iyo markii la soo magacaabay bishii hore uu dar-dar galiyay siddii uu ku xoojin lahayd xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Siddee lagu soo magacaabay?

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warbixiyo sidda uu u arko magacaabista safiirnimo, wuxuu tilmaamay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo horrey u soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in uu ku qanacsan yahay.

Waxaa kaloo la wdiiyay qaabka lagu lagu magacaabay, wuxuu tilmaamay in loo soo bandhigay isagana uu aqbalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com