CCC oo sameynaya isku-shaandheyn 2 weji leh iyo wasiirada Dam-Jadiid oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu qorsheynayo inuu isku-shaandheyn ku sameeyo golaha wasiirada aan qibradda siyaasadeed lahayn ee uu magacaabay, isagoo sidoo kale raba inuu magacaabo xubno cusub.

Kadib muran badan oo ka dhashay xubanaha golaha wasiiradda 20-ka xubnood ka kooban, ayuu ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid go’aan ku gaarey inuu isku shaandheeyo 20-ka wasiir, idoo kalena kusoo daro 5 wasiir oo cusub oo golaha laga dhigo 25 wasaaradooda iyo ku xigeenadooda, si loo qanciyo beelo caraysan oo muraayada iska arki waayay.

Isku-shaandeynta ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato wasaaraddo hadda magacaaban, kuwaasi oo la isku bedeli doono, sababtoo ah beelo qaar ayaa codsaday inay loo bedelo wasiiradda la siiyay oo ay ku tilmaameen inaysan ku qalmin.

Wasiiro isku hayay dhowr wasaaradooda ayaa lakala qaadi doonaa, si loo balaariyo tirada wasiiradda ka hor inta aanan xukuumadda aqoonta iyo tayada yar la horgeyn golaha shacabka billlowga todobaadka soo socda.

Isku-shaandeyntan ma noqon doonto tii ugu danbeysay, waxaana uu ra’iisul wasaare Cabdirashiid sameyn doonaa bilooyin kadib isku-shaandheyn kale, si wasiiradda kooxda Damu-Jadiid ee la diiday dib looga sooo celiyo saaxadda talada dalka.

Qorshaha degsan ee ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ah in hadda baarlamaanka la horgeeyo wajiyo cusub si codkooda kalsoonia loo helo, kadibna wasiiraddii la diiday dib loogu soo daro, iyadoo xilalka laga qaadi doono wasiiro magac-u-yaal ah oo loo keensaday booska ii sii haay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com