Prandelli oo sheegay inuusan Pirlo ka fariisaneyn ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa.

Tababaraha xulka Italy Cesare Prandelli ayaa qirtay in hugaamiyaha kooxda Juventus Andrea Pirlo uusan qorsheyneyn inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Talyaaniga.

Waxaa isi soo taraayey warar sheegaya in kubad sameeyaha Juve Pirlo uu ka fariisanaayo ciyaaraha xulkiisa, maadaama ay da’diisu gaartay 33 sano jir.

Si katba, isagoo maanta la hadlaayey Raisport, Prandelli ayaa sheegay in ciyaaryahankii hore ee AC Milan uu weli yahay furaha qoshihiisa Azzurri.

“Andrea waa ninka keliya ee laga rabo inuu go’aan ka gaaro waxa uu sameyn doono mustaqbalka,” ayuu yiri Cesare.

“Waan la hadlay dhowaan wuxuuna weli doonayaa inuu sii xirnaado maaliyada Buluuga ah.

“Wuxuu doonayaa inuu ciyaaro koobka aduunka ee 2014 wuxuuna weli inoo yahay ciyaaryahan muhim ah.”