Chelsea oo 25 milyan ku dooneysa xidiga qadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu 25 milyan oo ginni kusoo qaato xidiga qiimahaas u qalma ee Barcelona qadka dhexe uga ciyaara Sergio Busquets.

Abramovich ayaa fikir guud ka qaba 24 jirkaan qadka dhexe wuxuuna rumeysan yahay inuu kasoo kexeysan karo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoona u hanqal taagaya inuu noqdo saxiixiisa koowaad, sida uu qoray wargeyska The People.

Busquets ayaa loo qiimeeyaa bur-buriye aad ugu fiican xalinta qadka dhexe iyadoo ay Chelsea sii weyneyso halyeeygeeda qadka dhexe ku gaamuray Frank Lammpard kaasoo da’duna ka daba timid dalabyana ka helaaya kooxda Mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Waxayna taasi wado u fureysaa inuu Segio bisha Janaayo usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan galbeedka London ee Blues.

Manchester City ayaa iyaduna halgan ugu jirta laakiin horaan ayey beenisay inay dalab u dirtay waana sababta loo arko inuu Busquets usoo dhaqaaqo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Abramovich ayaa doonaya inuu kooxda London ka hirgeliyo qorshihiisa da’yarta wuxuuna xidiga heerka caalami ee dalka Spian u arkaa mid booska kala bixi kara Jon Obi Mikel.

Barcelona oo heysata xidigo qadka dhexe ka ciyaara oo tayo leh sida Thiago Alcantara ayaa loo badinayaa inaysan halgan sidaas ah u geli doonin inay ceshto xidigaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.