Chelsea oo Premier League-ga u gudbisay cabasho ka dhan ah garsoore Mark Clattenburg.

Chelsea ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay garoore Mark Clattenburg kaasoo ay ku eedeeyeen inuu hadalo aan isir naceyb ah u adeegsaday ciyaartoydooda.

Blues aya cabasho rasmi ah u gudbisay wakiiladii Premier League goob jooga u ahaa kulankaan ay guul darradu kazoo gaartay United, taasoo Fernando Torres ciyaarta looga saaray qalad uu garsooruhu ku lug lahaa iyadoo Javier Hernandez goolkiisii guusha uu ahaa mid Offside ah.

Afhayeen u hadlay Chelsea ayaa xaqiijiyey: “Waxaan cabasho rasmi ah u gudbinay wafuudii ka socotay Premier League-ga ee ciyaarta xaadirka ku ahaa maadaama uu garsooruhu erayo isir naceyb ah u adeegsaday laba ka mid ah ciyaartoydeena laba qalad oo dhacay intii ay ciyaartu socotay.”

Waxaa la ogyahay in John Obi Mikel uu qeyb ka ahaa shilkaan iyadooba warar xan ah ay sheegayaan inuu ugu yeeray Daanyeer, halka ciyaaryahanka kale loo maleynaayo Juan Mata.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.