Chelsea oo suuqa ugu jirta weeraryahan, balse indheheedu qabteen Loic Remy.

Kooxda Chelsea ayaa indheheedu qabteen weeraryahanka kooxda Marseille Loic Remy, waxayna Blues qorsheyneysaa inay Bisha Janaayo kasoo dhaqaajiyaan dalka France, ka dib markii uu daawaday qaab ciyaareedka Loic wakiil ka socda Chelsea.

Wargeysyada kasoo baxa dalka France ayaa intooda badab shaaciyey in Chelsea iyo Marseille ay ka heshiiyeen qiimaha macquulka ah ee uu Remy ugu baqooli karo Stamford Bridge Stadium, waxaana lagu soo waramayaa in Remy uu kula biiri doono kooxda ka dhisan galbeedka London aduun lacageed dhan 15 milyan oo euro.

Xidiga dalka France Remy ayaa horaan diirada u saarnaa kooxda Tottenham iyo kooxda kale ee ka dhisan isla magaalada London ee Arsenal.