Dolwadda oo diyaarisay Ciidamaadii beddeli lahaa kuwa Amisom.

Xili ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya tababar loogu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa wasaarada gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya waxa ay faahfaahin ka bixisay ciidankaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga  Maxamed Cali Catoosh warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ciidankan loo tababar ay tahay inay nabad ka dhigaan Gobalada dalka Soomaaliya.

Catoosh ayaa sheegay in ciidamada AMISOM weligood aysan ku sugnaan doonin dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay inay isku filnaansho gaaraan ciidamada Soomaalida.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa dhanka kale sheegay inay ka go’an tahay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ka hortagida falkasta oo dhibaato ku ah dhanka ammaanka.

Wuxuu sheegay qof waliba oo sameynaya falal aysan jeclaysan shacabka Soomaaliyeed hadii uu yahay askari iyo hadii kaleba in ciidamada xooga dalka ay heegan u yihiin islamarkaana lasoo qabanayo.

Shalay ayaa 1300-askar tababar in muddo ah soconaye loogu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalkaasi Baay kuwaa oo mustaqbalka Amaanka dalka kala wareegaya Amisom, waxaana lagu kordhin doonaa ciidamo kale oo tira badan oo iyagana qaar tababar uu u socdo qaarna dhowaan loo billaabi doono.