Ciidamada ammaanka DF oo tallaabo qaaday, kadib kulamadii Farmaajo & Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ku aadan fulinta amaradii kasoo baxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo faray hay’adaha amniga inay adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda oo ka duulaya kulamadii ay Farmaajo iyo Rooble ay la yeesheen saraakiisha laamaha amniga ayaa howlgallo ka bilaabay magaalada Muqdisho, waxayna xalay ka sameeyeen gudaha degmada Howadaag ee gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka uu yahay u diyaar-garowga bisha Ramadaan iyo fulinta amarada madaxda dalka.

“Waxaan u diyaar-garoobeynaa muxuu ahaan inaan ammaanka caasimada sii bilowno, maadaama madaxdii ugu sarreysay ay amar baxsheen sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri taliye xigeenka qaybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan saraakiisha ammaanka, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Waxa kale oo uu xusay in wax laga xumaado ay tahay in maalin kasto si arxan darro ah loo dilo dadka hal doorka u ah bulshada, sida Culimada, Ganacsatada & Siyaasiyiinta.

“Maalin kasta waxa la dilaayo waa hal doorka dadka, haddii ay Ganacsato yihiin, haddii ay Siyaasiyiin yihiin iyo haddii ay Culimo yihiin. Gacmo wadajir ayey wax ku qabtaan laamaha amniga kaligood waxba ma qaban karaan haddaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad aan gamaha la’is qabsan” ayuu sii raaciyey taliye xigeenku.

Dhinaca kale howl-galladan ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena weli su’aallo la weydiinayo.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, xilli ammaanka Muqdisho uu faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah, dilalka iyo dhaca loo geysanayo rayidka.

Halkan hoose ka daawo:-