Ciidamada beel diidan hab qeybsiga xilalka Galmudug oo goobo muhiim ah qabsaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa maanta gadood ka sameeyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca maamul goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan gadoodsan ayaa la wareegay koontaroolada magaalada ee canshuurta laga qaado, waxaana gebi ahaanba istaagay isticmaalka waddooyinka ay ciidamada la wareegeen.

Ciidamadaan oo kasoo jeedo beel kamid ah beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay inay diidan yihiin hab qeybsiga loo qeybiyey xilalka maamulka Galmudug.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana jidadka magaalada lagu arkayaa ciidamo tiro badan oo gadood ah.

Tallaabada ay qaadeen ciidamadaan ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan ay sheegeen odayaasha beeshaas inay kalsoonidii kala noqdeen maamulka Galmudug.

Odayaasha beeshaan oo degta Gaalkacyo ayaa sheegay inaan mar dambe laga qaadi doonin canshuur illaa maamulka Galmudug ay ka saxdo hab qeybsiga beelaha ee maamulkaas.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin ciidamada gadoodka sameeyey iyo warkii kasoo yeeray odayaasha beeshaas ee ahaa inay kalsoonidii kala laabtaan maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo deegaanada Galmudug ay ka socdaan dagaallo ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah beelaha oo kooxda Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay haystaan ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.