Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaano horleh

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamullada HirShabelle iyo Galmudug ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomiyeyaasha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maadaama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga sameeyey labadaasi degmo.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanada kala ah:- Beer-Gidiid, Bacda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tirsan gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Bashiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiyaha Matabaan.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha Matabaan.

Sidoo kale wuxuu baaaq u diray hay’adaha samafallka oo uu ka dalbaday inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada la xoreeyey.

“Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Bashiir C/raxmaan Sheekeeye.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka HirShabelle.

Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo garab ka sii helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo culus ka waday deegaanno dhowr ah iyo degmooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.