Macawiisleyda iyo ciidamada DF oo deegaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo ay in muddo ah ka talinayeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa saaka gudaha u galay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeyskii ugu xooganaa.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey inay si buuxda ula wareegeen Moqokori, ayna sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa gaaray tuulada Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ku beegsanayaan kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan guulaha ay howlgalkaas ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Moqokori ayaa ah deegaan weyn oo hadana muhiim ah ayaa waxaa sanado badan ka talinayey Al-Shabaab, iyagoo ku lahaa xarumo muhiim ah, sida saldhigyo iyo maxkamado.

Hiiraan ayaa waxaa ka socodo howlgallo isku beddelay kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo waa weyn ka gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.