Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda Somalia iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon oo ka tirsan Heliwaa, waxaana kadib xigtay israsaaseyn toos ah oo dhex-martay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sia ay sheegeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo aheyd haweeney caano ku iibineysay goobta, halka ay ku dhaawacmeen haweeney kale iyo ilmo yar.

Dhanka kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo kadib howlgallada xigay.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana si caadi ah u socdo dhaq-dhaqaaqay dadka iyo gaadiidka, waxaana sidoo kale furan goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa xaalado amni iyo mid abaareed ayaa dhankeeda wada dadaal xoogan waxaana shalay ciidanka Haramcad iyo kuwa Duufaan ay weerareen maxkamad ay Al-Shababa ku leeyihiin duleedka Muqdisho, gaar ahaan Basra.