Ciidamada DF oo fashiliyey weeraro qaraxyo ah kadib…

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka oo si gaar ah looga sameeyey waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan ayaa waxaa lagu fashiliyey weeraro qaraxyo ah oo ay damacsanayeen xoogaga Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha Xoogga dalka.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday ku guuleystay inay qarxiyaan miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku aastay waddadaasi, si AY ula beegsadaan ciidamada huwanta ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in miinooyinka ay qarxiyeen iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, ayna sii wadayaan howlgalka haatan socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu ahaa sidii ay u dhibaateyn lahaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ciidamada Xoogga dalka ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada inta u dhexeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Maalmihii dambe ayaa ciidanka Xoogga dalka, kuwa HirShabelle iyo kooxda Macawiisleyda waxay Al-Shabaab kula dagaalamayeen gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.