Ciidamada dowladda oo soo baneeyey deegaano ay kala wareegeen AL-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ay dib uga soo baxayeen deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada dowladda ay soo faarujiyeen deegaanadaas oo todobaadkii hore laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii ku sugnaa deegaanadaas ay ku laabteen degmooyinka Buuloburte iyo Maxaas, waxaana deegaanadan dib ula wareegay Shabaab.

Sida ogaatay Caasimada Online arrinan ayaa timid, kadib khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka ciidamada ee hormuudka u ah howlgallada ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday dadaallo uu garwadeen ka ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan oo isku dayey inuu ciidamada ku qanciyo inay deegaanadaas sii joogaan, balse muddadii ay qabsadeen saraakiisha hoggaamineyso ciidamda ayaa dhammaatay, waxayna kadib isaga soo baxeen Moqokori iyo Yasooman.

Dhanka kale waxaa haatan cabsi ay soo wajahday shacabka ku sugan deegaanadaas, gaar ahaan dadkii soo dhoweeyey ciidamada markii ay qabsanayeen deegaanadaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneyso guulaha laga gaaray dagaalka ka Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.