Ciidamada dowladda oo weeraray xaflad u socotay safaaradda Iran iyo Iran oo jawaab kulul bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Iiraan ee magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saartay xaflad ay soo qabanqaabisay oo maanta ciidamada Nabadsugidda ay kala eryeen dadkii ka soo qeybgalay.

Safiir ku xigeenka Iran ee Soomaaliya Javad Dehghan Latfabadi ayaa sheegay in dad gacan sedexaad ama dal sedexaad inay ka shaqeynayaan isku dhaca Soomaaliya iyo Iiraan.

Safiirka wuxuu faahfaahin ka bixiyay xafladii maanta la joojiyay isagoo sheegay in hay’adda samafalka ay Imaam Khumeyni ay Muqdisho ku qabatay xaflad lagu xusayo dhalashada Nabi Muxamed iyo haddiyo lagu gudoon siin lahaa Lamaane is aroosay, arday iyo Ciyaartoy ka tirsan kooxaha heerka koowaad.

Safiirka xigeenka wuxuu sheegay in dadka Lamaanaha ah la siin lahaa qalabka guriga ay u soo gudbiyeen magacyadooda Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkan ayaa sida uu Safiirka sheegay waxaa ay ka koobnaayeen 15 Caruus, 15 ardey, 10 qof oo bartay Harqaanka iyo 5 ciyaartooy oo Kabtan ka ah kooxaha xeerka koobaad ee Soomaaliya. wuxuu intaas ku daray in dadka arooska oo gaaraya ilaa 15 qof, waxaa la siin lahaa midkiiba $200 oo Kaash ah iyo Alaab u dhiganta $358, halka ardeyda la siin lahaa qalab waxbarasho iyo Ciyaartoyda oo la siin lahaa Kubao iyo Min $200.

Safiirka ayaa sharxay sidii ay wax u dhaceen isagoo sheegay in ciidamada amaanka ay soo galeen xafladda oo socota iyagoo ku amray dadkii Hoolka joogay in ay kala tagaan, Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa isku dayey in ay la hadlaan lakin hay’adaha amaanka waxaa ay ku adkeysteen in dadka baxaan.

Safiirka oo codkiisa xanaaq ka muuqato ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay garaaceen darawalkiisa isla markaana ay xireen mid shaqaalihiisa ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com